Saldhig ay leeyihiin Ciidamadda ATMIS oo la weeraray

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in la iska caabiyay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadey saldhiga Ciidamada ATMIS, oo hore loo oran jiray AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Saldhig ay leeyihiin Ciidamadda ATMIS oo la weeraray

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin degaanka Ceel-cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay hurdada uga soo tooseen Saakay dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta culus ee ka dhacayay Saldhigga Ciidanka Burundi.

Ceel-baraf waxay ku taallaa qiyaastii 130-KM meel dhanka waqooyi kaga beegan Caasimadda Muqdisho.

Kadib dagaalka culus oo dhacay, Al-Shabaab waxaa u suurtagashay in ay la wareegaan saldhigga, oo daqiiqado kadib laga saarey kadib markii weerar rogaal-celis ah lagu soo qaadey.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ayaan ka hadal khasaaraha ka dhashay weerarka. Balse ilo madax-banaan ayaa sheegaya in illa afar askari ay ku dhinteen dagaalka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in la iska caabiyay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadey saldhiga Ciidamada ATMIS, oo hore loo oran jiray AMISOM.

Waa weerarkii 2aad oo sanadakan lagu qaado isla saldhiggan sanadkan gudihiisa, waxaana markan lagu soo beegay xili loo dabaal-degayo Ciidul Fidriga, oo shalay billaabatay.

Al-Shabaab ayaa inta badan magaalada Muqdisho iyo meelo kale ka geysta qaraxyo iyo weeraro toos ah, kuwaas oo qeyb ka ah dagaalka ay kula jirto dowladda ay Beesha Caalamka taageerto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.