Coldoon oo deeq gaarsiiyay Maxbuus 20 sano xirnaa

Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta deeq lacageed oo gaaraysa $15,000 (Shan iyo toban kun oo doolarka mareykanka ah) maxbuus 20 sano xabsi ku xirnaa oo dib xorriyaddiisa u helay

Warar Keydmedia Online
Coldoon oo deeq gaarsiiyay Maxbuus 20 sano xirnaa

HARGEYSA, Soomaaliya - Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dabaqaayadii sanadkii hore laga soo daayay xabsi ku yaal magaalada Hargeysa ayaa maanta lacag gaareysa Shan iyo toban kun oo doolar ($15,000) ayuu guddoonsiiyay maxbuuskii 20-ka sano ku xirnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa ee dhawaan laga sii daayay.

Ninkan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda waddanka Itoobiya gaar ahaan qowmiyadda loo yaqaan Oromada ayaa xabsiga la dhigay isagoo 20 sano jir ah, waxa uuna halkaasi ku xirnaa muddo 20 sano ah, da'diisuna waa 40 sano jir, markii xabsiga laga soo saaray ayey warbaahintu wareysatay, isagoo horay uga mahad celiyay dadkii qeybta ku lahaa sii deyntiisa, intaa kadddib dad badan oo Soomaaliyeed ayaa lacago usoo uruuriyay sida uu sheegay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu tilmaamay inuu ahaa shakhsigii qeybta weyn ka qaatay siideyntiisa.

Cabdimaalik ayaa yiri "Lacagaha waxa nagu soo hagaajiyay (Allaah khayr ha ku abaalmariyee) dadyow kala duwan oo kaalmaynaya walaalkeen Maxammad Muuse Gamteesa"

Maxamuud Muuse ayaa horay u sheegay inuusan garaneyn meel uu aado, isagoo ilmeynaya ayuu dad badan umahad celiyay, waxaana maanta la guddoonsiiyay lacag Shan iyo toban kun oo doolar ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.