Sanatarkii ugu horreeyay ee baarlamaanka 11aad oo la doortay

Ilyaas Bedel Gaboose ayaa noqday Senatarkii ugu horeeyay ee ku guuleysta tartanka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Sanatarkii ugu horreeyay ee baarlamaanka 11aad oo la doortay

KISMAAYO, Soomaaliya - Ilyaas Baddal Gabboose ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee loo doorto inuu kamid noqdo mudaneyaasha Aqalka sare ku matalaya Jubbaland.

Gaboose, ayaa helay 55 Cod, wuxuuna ka guuleysatay Maxamed Axmed Sayid oo isna helay 17 cod, hal-ka uu halaabay hal cod.

73 Xildhibaan ayaana codeeyey, waxaana inta aan codeyntu billaaban tartanka isaga haray, Sharmaake Maxamed Cabdi Gaandi.

Ilyaas Badal Gaboose, oo noqonaya xildhibaankii ugu horreeyay ee ka mid noqda Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa ah siyaasi saameyn weyn ku leh Jubbaland, wuxayna iska heyb yihiin Axmed Madoobe.

Siddeed ka mid ah kuraasta Aqalka sare ee laga soo dooran doono Jubbaland, afar ka mid ah ayaa maanta lagu dooranayaa kismaayo, waxaana dhawaan billaaban doona tantanka kuriga labaad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.