Sanbalooshe oo farriin u diray Saraakiisha NISA

Wuxuu u sheegay in ay ka gudbeen xilligii ay askarta ahaayen ee taliska Hay’adda laga amri jiray, wuxuu ku war-galiyay in ay Xildhibaanno yihiin oo hoggaanka la rabo in uu dalka samata-bixiyo qeyb ka yihiin.

Warar Keydmedia Online
Sanbalooshe oo farriin u diray Saraakiisha NISA

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimihii hore ee Hay’adda, NISA, Ambaasadoor, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbalooshe], oo maanta si buuxda u dhameystiray ku biiritaanka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa saraakiisha Nabad-sugidda ee sanadkaan Golayasha ku biiray ugu baaqay in ay qaataan aqoonsiga Xildhibaannimo.

Sanbaloolshe, oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib dhowr todobaad oo uu ku maqnaa Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, oo degaan doorashadiisa ah, ayaa Xildhibaannada cusub ugu baaqay in aan la siyaasadeyn dhameystirka doorashada, isla-markaana aan loo dulloobin shaqsiyaad dano gaara leh.

Kutlad ay ku mideysan yihiin saraakiisha NISA, ee Fahad Yaasiin ku daray Baarlamaanka, ayuu ku war-galiyay, in shaqsi xor u noqon waaya inuu qaato aqoonsiga shaqadiisa, uusan marnaba xor u ahaan doonin, inuu matalo dadkii iyo degaankii soo doortay, wuxuuna kula taliyay in ay ka xoroobaan ku hoos jirka shaqsi gaar ah.

“Xildhibaannada waxaa ku dhiiragalinaya khaasatan, Kutlada la sheegay ee NISA, in ay qaataan shahaadada, nin aan xor u ahayn shahaadadiisa inuu qaato, hadhow codkiisa xor uma noqon karo, si xor ahna dadkiisa iyo degaankiisa kuma matali kao”, ayuu yiri Taliyihii hore ee NISA, Cabdullahi Sanbaloolshe.

Wuxuu u sheegay in ay ka gudbeen xilligii ay askarta ahaayen ee taliska Hay’adda laga amri jiray, wuxuu ku war-galiyay in ay Xildhibaanno yihiin oo hoggaanka la rabo in uu dalka samata-bixiyo qeyb ka yihiin, wuxuuna u soo jeediyay in ay kala leexiyaan dhaqanka askarnimada iyo xasaanadda Xildhibaannimada.

Fahad Yaasiin, ayaa inta badan Saraakiishaas ku amray, in ay aysan qaadan shahaada rasmiga ah, ee caddeyneysa ka mid noqoshada Baarlamaanka 11-aad, maadaama isaga loo diiday in loo ansixiyo natiijada doorashadii boobka ahayd ee kursiga HOP086, oo 20 Feberaayo ka dhacday magaalada Baladweyne.

Waxaa jira dhowr sarkaal oo NISA ka yimid isla-markaana shahaada qaatay, hayeeshee, inta badan, waxa ay wali ku jiraan hooska eedeysane Fahad, kuwa aan aan wali aqoonsiga doonan waxaa ka mid ah eedeeysanayaasha kala ah; Yaasiin Farey iyo Kullane Jiis oo kiiska Ikraan ku eedeysan.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.