Saraakiil Ciidan oo lagu dilay weerar ka dhacay Galgaduud

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Balanballe oo ku dhaw degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Saraakiil Ciidan oo lagu dilay weerar ka dhacay Galgaduud

GURICEEL, Soomaaliya - Saraakiil militeri ayaa lagu laayay weerar gaadmo ah oo lagu qaadey Kolonyo ay ku safarayeen gudaha gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Soomaaliya Maanta oo Arbaco ah.

Mas'uul katirsan Wasaaradda Amniga Galmudug, oo la hadlay Keydmedia Online isagoo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in rasaas lagu furay Ciidanka xili ay marayeen tuuladda Cagfaroge oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.

Waxay kolonyada la weeraray ka timid Xerada Militeri ee Xoosh, oo ku taalla degmada Guriceel, waxayna kusii jeeday Balanballe.

Inta la ogyahay 4 Sarkaal ayaa ku geeriyoodey weerarka, iyadoo 3 kalena ay ku dhaawacmeen tacshiiradda, kuwaasoo loo qaadey Isbitaalka Guriceel, iyadoo aan la ogeyn Kooxda ka dambeysay falkan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska guutada 21aad ee Ciidanka xoogga dalka oo ka howlgala gobollada Galgaduud iyo Mudug. Labadan gobolka oo Galmudug ka kooban tahay ayaa ka jira colaad beeleed iyo dagaallo lagula jiro Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.