Saraakiil Ciidan oo lagu xiray Puntland

Madaxweyne Deni ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan iyo inuu ku fashilmay amniga Puntland oo intii uu xafiiska yimid ay qaraxyo madax sare lagu dilay dhaceen.

Warar Keydmedia Online

GAROWE, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa xiray Saraakiil Ciidan oo la sheegay inay gadood ka sameeyeen Magaaladda Qardho.

Waxaa xabsiga la dhigay Taliye ku xigeenkii Booliiska Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Garowe Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Maalmo kahor waxaa gadood sameeyay askar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugan Gaalkacyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.