Xarig iyo kala carar ka billowday NISA [Seefta M. Salaad]

Mahad Salaad, ayaa durba billaabay kala raacdeynta saraakiishii NISA, ee garoonka diyaaradaha, wuxuuna xabsiga u taxaabay taliyayaal iyo askar dharcad ah.

Warar Keydmedia Online
Xarig iyo kala carar ka billowday NISA [Seefta M. Salaad]

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online u sheegeen ilo sirdoon, Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, ayaa saacado kadib markii uu la wareegay shaqada xafiiska billaabay la xisaabtanka saraakiisha hay’adda, gaar ahaan, kuwii aad ugu dhawa Fahad Yaasiin ee dhibaatooyinka geystay.

Ilaha aan xogtaan ka soo xiganeynno oo ah saraakiil ka tirsan hay’adda ayaa noo xaqiijiyay in galinkii danbe ee shalay xabsiga la dhigay, Jeylaani Mohamed, oo NISA u qaabilsanaa, ka war qabka iyo la socodka alaabaha [cargo] ee garoonka laga dhoofinayo iyo kuwa laga soo dajinayo, kadib amar ka soo baxay xafiiska Agaamisimaha guud Mahad Salaad.

Jeylaani Mohamed, wuxuu ahaa sargaal amran oo awood xooggan ku lehaa garoonka diyaaradaha, wuxuu aad ugu dhawaa Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis, halka uu sidoo kale, qeyb ka ahaa saraakiishii hay’adda ee 2018 qabtay lacag ku dhow 10 milyan oo doolar oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta, taasoo maalmo ka hor dib loo celiyay.

Dhanka kale, Agaasime Mahad Salaad, ayaa dhaqan galiyay amar uu hore u soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur, kaasoo ahaa in NISA, mas'uuliyadda amniga garoonka Aadan Cadde, ku wareejiso booliska, lana saaro ciidanka dhar-cadka ah, ee xilligaas Fahad Yaasiin si daad-dhaaf ah u geeyay gudaha garoonka.

Sida ay xoguhu caddeynayaan in ka bada 100 askari oo dharcad ahaan uga howl-gali jiray garoonka ayaa bastooladha laga aruuriyay, halka qaar kalana shaqada laga raacdeeyay, kuwa kalana xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay ka dhago adeegeen in ay bastooladaha iyo aqoonsiyadii hay’adda wareejiyaan.

Inta badan tallaabooyinkaan ayaa la sheegayaa in aysan saameyn ku yeellan, ciidanka ku sugan goobaha laga galo garoonka, kuwaas oo ka tirsan Waran iyo Gaashaan, oo Mareykanka si toos ah ula shaqeeyo, hayeeshee, is-baddelka magaca guud ee hay’adda, wuxuu sababi doonaa in wax kasta is-baddelaan, Waran iyo Gaashaan meesha ka baxaan.

Mahad Salaad, ayaa Col. Xamdi Xasan Maxamuud, oo hore u soo noqotay taliyaha hoggaanka baarista hay’adda Nabad-sugidda u magacaabay Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde, kadib markii xilkaas laga xayuubiyay, Khadar Maxamuud (Khaddar Sanka), bartamihii bishaan dhamaanka ah ee May 2022.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.