Saraakiil TPLF oo si qarsoodi ah kusoo galay Soomaaliya

Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Sarkaal katirsan ayaa u safray gobolka Gedo, oo laga soo dheegay in saldhigyada Ciidanka Itoobiya ku sugan yihiin Saraakiisha TPLF.

Warar Keydmedia Online
Saraakiil TPLF oo si qarsoodi ah kusoo galay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxa Mukhaabaraadka NISA, ahna taliyaha dabagalka NISA Col Cabdullahi Daahir [Cabdullahi Dheere], ayaa sheegay inay heleen xog sheegaysa in Saraakiil katirsan Jabhadda TPLF ay soo galeen gudaha Soomaaliya maalmo kahor.

C/llaahi Dheer ayaa daba-gal uu sameeyay ku ogaadey in xubnaha TPLF ay soo galeen Gedo iyo Baay, oo ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo kasoo jeeda Tigray.

Saraakiisha TPLF oo aan tiradooda la ogeyn, ayaa u yimid Soomaaliya labo arrimood oo kala ah in Ciidanka Tigreeda ah ee ku sugan Soomaaliya ka helaan taageero, oo ay kusoo biiraan dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya iyo in hub ay ka iibsadeen Soomaaliya.

C/llaahi Dheer ayaa u safray gobolada laga soo sheegay xubnaha TPLF, si uu usoo ogaado waxa ay dalka usoo galeen, isagoo arrimahan kala xiriiray madaxda AMISOM ee maamusha saldhigyada Ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya.

TPLF ayaa jab weyn kala kulantay dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya oo looga saarey magaalooyin ay ka haysteen gobolada Axmaarada iyo Canfarta, iyadoo magaaladii ugu dambeysay Lalibela oo kamid ah meelaha taariikhiga ah ee ku jira diiwaanka UNESCO.

Soomaaliya ayaa xuduud dheer oo furan la leh Itoobiya oo aan la ogeyn waxa kasoo gudba, maadaama Ciidan ilaaliya aaney jirin, iyadoo laga cabsi qabo in colaadda ka socota Itoobiya ay soo gaarto dalka, maadaama TPLF ay usoo firxanayso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.