Saraakiil Shabaab ah oo Bakool lagu dilay

Bakool (KON) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay Deegaanka Wargaloole oo hoostaga Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.
Warar Keydmedia Online
Saraakiil Shabaab ah oo Bakool lagu dilay

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ay weerareen Fariisomo Al-shabaab ay ku lahayeen Deegaanka Wargaloole ee Gobolka Bakool.

Cabdullaahi Maxamed Ugaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Keydmedia Online Xafiiskiisa Muqdisho u sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab ay ku jabsheen dagaalka.

"Tabon ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaan ku dilnay Deegaanka Wargaloole, waxaa ku jira Dadka lagu dilay Wargaloole Horjoogihii Shabaab ee Deegaankaasi" Sidaa waxaa yiri Sargaalkaas u hadlay Ciidamada Xoogga.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale uu jiro Khasaaro soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya, inkastoo aan la xaqiijin tirada Askarta ka geeriyooday.

Wargaloole ayaa hada waxaa si buuxda u maamula Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Al-shabaab ka qabsaday.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.