Saraakiisha Ciidanka oo looga digay inay ku milmaan Siyaasadda

Sheekh Aadan Madoobe oo 27-kii April la doortay, ayaa la wareegay amniga doorashadda Madaxweynaha, wuxuuna ku amray Saraakiisha inay isaga ka amar-qaataan.

Warar Keydmedia Online
Saraakiisha Ciidanka oo looga digay inay ku milmaan Siyaasadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa isugu yeeray dhammaan Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada qalabka sida Maanta oo Talaado ah.

Shirkan oo ka dhacay hotel-ka uu ka degan yahay Muqdisho, ayaa waxaa diiradda lagu saaray Xaaladda amniga doorashada dalka, oo hadda la isku diyaarinayo in Madaxweyne cusub la doorto.

Saraakiisha Ciidanka ayuu Sheekh Aadan Madoobe uga digay in ay ku milmaan siyaasadda, islamarkaana amniga doorashadana ay uga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.

Saraakiisha uu la kulmay waxaa ku jira taliyaha booliska Jen Xijaar oo dhawaan shaqada laga joojiyay, Yaasiin Fareey, oo isagaa Xildhibaan noqday wali NISA xukuma iyo Farxaan Qaroole, oo ah taliyaha booliska gobolka Banaadir, kuwaasoo dhamaan hoostaga Farmaajo.

Amarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa muujinaya in Rooble uu iska wareejiyay mas'uuliyadda amniga iyo mida doorashadda, maadaama uu qabtay doorashadda Baarlamaanka oo hadda dalka yeeshay Gudoomiye Gollaha Shacabka, oo booska Madaxweynaha jooga.

Farmaajo ayaa markii uu fashilmay, oo laga hor-istaagay mudo-korarsiga wuxuu mas'uuliyadda doorashadd iyo amniga bishii May 2021 ku wareejiyay Rooble, oo dalka dhibaato badan kadib gaarsiiyay inuu yeesha Baarlamaan cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.