KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kadib cadaadis in muddo ah saarnaa degaannada maamulka Koofur galbeed, gaar ahaan degaannada goboolka Bakool, saraakiisha CXDS ee ku sugan degaannada maamulkaas ayaa billaabay in ay u baxsadaan dhanka Kooxda Al-Shabaab.
XUDUR, Soomaaliya - Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ee ku sugnaa xarunta Gobolka ee Xudur ee gobolka Bakool, ayaa uu u goostay dhanka Kooxda Al-Shabaab.
Sargaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Mustafa Macalin Xasan, ayaa la baxsaday qoragii iyo booshkii uu watay, wuxuu iska dhiibay degaanka Garas-Weyne oo hoos taga degmada Xudur, isla-markaana ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegaya in sargaalkaan oo ah nin dhalinyaro ah, si weyn loogu soo dhaweeyay Garas-Weyne, waxaana qaabilay, hoggaamyaha Al-Shabaab ee degaankaas Cabdullahi Humow.
Ma aha sargaalkii ugu horreeyay ee dhanka Dowladda kaga biira Al-Shabaab, waxaana la xusaa in askarta ka baxsatay dhanka DF ee ku biiray Al-Shabaab ay intooda badan ka diga-rogtaan gobollada Bay iyo Bakool.
Inta badan degaannada gobolka Bakool ayaa go’doonsan in muddo ah, waxaana hadda sare u kacay cadaadiska ay Al-Shaaab saarayaan shacabka ku dhaqan Bakool.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.