KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
C/laahi Cali Indhoole oo hore oga mid ahaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Saaka lagu Dilay Deegaanka Texsiile oo Degmada Afgooye hoostaga,kadib markii uu Bar koontorool oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay lahaayeen uu soo weeraray.
Dagaal Labada Ciidan dhexmaray ayaa waxaa ku dhintay Labo Ruux oo ku jiro Sargaalkaan lagu Magacaabijiray C/laahi Cali Indhoole,ayadoona ay ku dhaawacmeen 7 Askare oo kale.
Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Keydmedia online u xaqiijiyey Geerida C/laahi Cali Indhoole,kaasi oo mudooyinkaan danbe waday Jamhadeeyn uu oga soo hor jeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa Maalmo ka hor Cafis u fidiyey Sargaalkaa maanta la dilay C/laahi Cali Indhoole iyo Gudoomiyihii hore ee Degmada Balcad Cismaan Xaadoole.
Keydmedia online – xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.