Sargaal lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (KON) - Koox Hubeysan ayaa Goor dhaw ku Toogtay Isgooyska Tarabuunka ee Dagmada Hodan, Gobolka Banaadir Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online

Saragaalkaan ayaa waxaa lagu magacaabijiray Feyfle, waxaana Dilka ugeystay Sida ay Dad goobjoogayaal ah ay u xaqiijieen Keydmedia Online Dhalinyaro K/cagta ku Ciyaarayay Isgooska Tarabuumka.

Dhalinyaradii Dilka Fuliyay ayaa is kaga Baxsaday Goobta, ayadoona ay Halkasi gaareen Ciidamada booliska Soomaaliya oo baritano ka sameeyay in kastoo aysan jirin Dad ay usoo qab qabteen falkaasi.

Xariir aan la sameynay Maamulka Dagmada Hodan ayaa noo sheegay in ay u maleenayaan Kooxda dilay Sargaalka in ay ka tirsanaayeen Maleeshiyada Al-shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.