Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Bay

Ciidanka DF ayaa dilay sideed xubnood oo kamid ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay Warbaahinta Dowladda. 

Warar Keydmedia Online
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Bay

BAYDHABO - Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in ay dileen sideed xubnood oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay, 

Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Mukhtaar Nuurow ayaa hogaaminyay Maleeshiyadda la dilay, kaasoo Kooxda Argagixisadda u qaabilsanaa Gobolka Baay, sida uu sheegay Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage.

Al-Shabaab ayaa kala jartay degmooyinkii laga saarey ee gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo fadhisa wadooyinka isku xira, oo ay geliso miinooyin ay ku weerarto gaadiidka militeriga, waxayna kahor istaagtay ganacsatada inay badeecooyinka isagu kala gudbiyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.