Sarkaal sare oo lagu dilay Gaalkacyo

Bishii June ee 2021, siddeed iyo toban ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu toogtay magaalada Gaalkacyo ka dib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxdan ku xiran Shabakadda Al-Qaacidda.

Warar Keydmedia Online
Sarkaal sare oo lagu dilay Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Kooxo hubeysan ayaa Xalay fiidkii waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug ku dilay sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Dableyda ayaa weerar ku qaaday Cabdiraxmaan Maxamed wax yar kadib markii uu kasoo baxay masjidka Salaaxudiin oo ku yaala xaafadda Garsoor, oo maamulkeeda hoos tago Puntland.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse Al-Shabaab iyo Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa si joogto ah u beegsada Saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulada.

Waa dilkii saddexaad oo muddo bilooyin gudahood ah ka dhaca magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay kordhiyeen howlgallada ay sameynayaan Ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa Galmudug.

Bishii June ee 2021, siddeed iyo toban ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu toogtay magaalada Gaalkacyo ka dib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxdan ku xiran Shabakadda Al-Qaacidda.

Al-Shabaab ayaa aad u dhex-gashay Gaalkacyo, oo ay ka joogaan xubno u qaabilsan dilalka iyo qaraxyada, taasoo khalkhal gelinaysa amniga magaaladda oo Koonfur iyo Waqooyi u kala qeybsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.