KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Falkaan oo dhacay saaka ayaa wararka aan ka helayno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxay sheegayaan in sarkaalkaan la dilay uu gali rabay garoonka diyaradaha ee magaaladaasi Gaalkacyo.
Ilaalada ku sugan afaafka hore ee garoonka oo heegan buuxa ku jira iyaga oo ka cabsi qaba falal lidi ku ah dhanka ammaanka ayaa ku amray inuu joojiyo sarkaalka gaariga uu wato maadaama gaarigiisa uu ahaa nooca leh muraayadaha madow.
Majirto cid faah-faahin ka bixisay sarkaalka geeriyooday iyo waxa uu ahaa inkastoo lasoo wariyay kaliya inuu ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Galmudug ee ka arimiyo koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Gaalkacyo qeybta koonfur dhawaan waxaa ka dhacay iska horimaad dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo sidoo kale ciidamo kale oo hoostaga Timakalajeex oo sheegta Madaxweynaha maamulka Galmudug inuu yahay.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.