Seefta MW Xasan oo dul-saaran Cumar Finish

KON, ayaa ogaatay in Duqii hore ee Muqdisho ahaana Guddoomiyahii Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) loo wado xilka uu hadda ku fadhiyo Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish).

Warar Keydmedia Online
Seefta MW Xasan oo dul-saaran Cumar Finish

MUQDISHO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo loo qaateen ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay wada-tashiyo ku aaddan is-baddel lagu sameynayo hoggaanka maamulka Gobolka Banaadir.

Kadib dhismihii Xukuumadda, Madaxweyne Xasan wuxuu diiradda saaray hoggaanka Gobolka Banaadir iyo hoggaanka qaybaha kala duwan ee ciidanka, waxaana la filayaa inuu ugu horreynba meesha ka saaro nidaamka fadhiidka ah ee guddoomiye Cumar Finish.

Howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa KON u sheegay in dhamaadki bishii May uu Xasan Sheekh amar ku bixiyay in aan qasnadda gobolka Banaadir laga saari karin lacag ka badan mushaarka, taasoo keentay in masuuliyiinta gobolku xafiisyada ka caagaan.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn Madaxtooyada ugu sii qulqulayay siyaasiyiin doonaya in ay hoggaanka Caasimadda noqdaan iyo ganacsato Villa Somalia ku dhow oo doonaya in shaqsiyaad ay wataan loo magacaabo masuuliyiinta ugu sarreysa gobolka.

KON, ayaa ogaatay in Duqii hore ee Muqdisho ahaana Guddoomiyahii Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) loo wado xilka uu hadda ku fadhiyo Cumar Finishka ka midka ahaa masuuliyiin si taban ugu adeegayay Farmaajo sanadihii la soo dhaafay.

Maddaale wuxuu xilka Guddoomiyaha gobolka la wareegay 2-dii November 2015, waxaana jagada laga raacdeeyay bishii Abriil 2017, iyadoo lagu baddelay Thabit Cabdi Maxamed. Maddaale wuxuu ahaa Guddoomiyihii uu MW Xasan uga tagay gobolka 2017-kii.

Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu qeyb ka ahaa siyaasiyiin door weyn ka qaatay culeyskii Kooxdii Farmaajo lagu saaray in dalka ay ka qabsoonto doorasho, waxaana xusid mudan inuu xubin ka yahay xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu hore u soo noqday Xoghayaha Xisbigii Nabadda iyo Horumarka, (Peace and Development Party) oo markii danbe gaashaan-buur la noqday Xisbigii Daljir, looguna wan-qalay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, kaasoo hadda xilka ku guuleystay.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish), oo xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay 22 August 2019, wuxuu ku suntan yahay, adeeg la’aan iyo caburinta shacabka uu hoggaanka u hayay, itii uu xilka hayay waxa ay shaqadiisu ahayd difaaca MW Farmaajo.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeennadiisa ayaan wax shaqo ah qaban tan iyo markii uu Farmaajo Madaxtooyada banneeyay, Cali Yare (Qabbaanka Farmaajo) oo ku magacaaban Guddoome ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka ayaa mudoo ka maqan Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.