Seynab Caamir: kuwii soo qaatay heshiiskii Kampala iyaga ayaa ku baxaya.

Muqdisho (Keydmedia) - Xildhibaanad Seynab Caamir oo shalay ka hadashay kulankii shalay lagu ansixiyay heshiiskii gumeysi gelinta Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegtay in heshiiskii kampala ragii Soo qaatay ay kubixi doonaan aakhirka.
Warar Keydmedia Online

Seynab Caamir waxa ay ku tilmaamtay heshiiskaas oo ay soo qaateen hogaamiye kooxeed Shariif Xasan iyo Shariif Axmed mid lamid ah heshiis xilligiii dowladii Cabulaahi yuusuf ay Ethiopia ku soo qaateen Aadan Madoobe, Nuur Cade iyo Cabdullahu yuusuf kaas oo ugu danbeyntii sababay in ay xilalkoodii kuwaayeen kadib markii laga hor yimid.

"Shariif Xasan iyo Shariif Axmed kama fiicna Aadan Madoobe, Nuur Cade iyo Cabdullahu yuusuf waxa ayna qaadayaan wadadi ay mareen," sidaa Seynab caamir ayaa soo jeedisay.

Shalay waxaa lagu meel mariyay Baarlamaanka Soomaaliya heshiiskii maxmiyada lagu gelin lahaa dalka, kaas oo waayahaanba si aad ah ay gadaal uga riixayeen hogaamiye kooxeed Shariif Xasan iyo Shariif Axmed  oo ah ragii loo soo wakiishay in dalka Soomaaliya laga faramaroojiyo Soomaalida.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.