SH. BASHIIR AXMED SALAAD ” dagaalka halagu bedelo nabad, hana laga fekero Xornimada dalka”

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maleeshiyaadka dagaallada wada ugu baaqay in ay nabadda qaataan si loo badbaadiyo xornimada umadda soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online

Guddoomiyaha Hay’addaasi Sh Bashiir Axmed oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaallada ka socda dalka aysan xal u ahayn dhibaatada heysta umadda Soomaaliyeed iyo nidaam darrada ka jirta dalka muddada dheer, isagoo ku baaqay in loo midoobo nabadda iyo deganaanshaha dalka.

Sh Bashiir ayaa wareysigiisa ku sheegay in maleeshiyaadka dagaalka wada ay sabab u noqdeen geerida kumanaan Soomaali ah iyo barakaca dad badan oo xaalad dhib badan ku wajahaya dalka iyo dibadda, wuxuuna sheegay in aysan wax natiijo ah ka gaarin dagaalkaasi, taas oo u baahan in laga fekero sii wadistiisa.

Gudoomiyaha ayaa maleeshiyaadka ugu baaqay in xabadda ku bedelaan wada hadal si umaddu ay u badbaado ayna u gaaraan haddiiba ay leeyihiin hadaf siyaasadeed, wuxuuse taa badalkeed ka digay in dagaalku uu sii socdo.

Sh. Bashiir Axmed ayaa shaki geliyay haddii ay dagaalladu sii socdaan xorriyada dalka, wuxuu sheegay in maleeshiyaadka looga baahan yahay in ay ka fekeraan mustaqbalka dalka halka ay fiirin lahaayeen danahooda gaarka ah.

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.