Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu dilay Howlgal Mareykanka ka qeybqaatay

Aadan Yabaal oo fariisin u ahaa Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa todobaad ka hor gacanta u galay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah. Waxay 245 km waqooyi ka xigtaa caasimadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu dilay Howlgal Mareykanka ka qeybqaatay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa shaaca ka qaaday in 88 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Al-Cadaala oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Juxaay oo hoostaga degmada Guullane ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in howlgalka uu isugu jiray weerar dhulka ah iyo duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada qaranka oo taageero ka helayay ciidamo shisheeye oo la rumeysan yahay in ay yihiin Mareykan.

 32 ka mid ah meydadka Al-Shabaab ee lagu dilay howlgalka waa la aqoonsaday, inta kale ee meydadkooda lama aqoonsan, waxaana lagu duqeeyay meel cidlo ah oo howd ah oo ay isku uruursanayeen.” Ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Juxaay oo ku dhow degmada Aadan Yabaal.

Aadan Yabaal oo fariisin u ahaa Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa todobaad ka hor gacanta u galay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah. Waxay 245 km waqooyi ka xigtaa caasimadda dalka.

Tan iyo markii uu billowday howlgallada hadda socda, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dhinteen in ka badan 1,000 maleeshiyo ah, ayna la wareegeen tobanaan tuulo iyo magaalooyin ku yaalla gobollada dhexe iyo kuwa koofureed.

Waa howlgalkii ugu balaarnaa ee lagu qaado Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2011 markaas oo kooxda laga saaray magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in ay xididada u siibi doonaan maleeshiyaadka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.