Shabaab oo dad abaar kasoo barakacay ku celiyay Kunturwaarey.

Marko (Keydmedia) - Kooxda Shabaab ayaa waxa ay qoysas isaga soo huleelay abaar xoolohoodii baabi’isay ku celiyeen degmada Kunturwaarey ee gobalka Shabeelada Hoose, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo gobalka.
Warar Keydmedia Online
Shabaab oo dad abaar kasoo barakacay ku celiyay Kunturwaarey.

Dadkaan Shabaabku celiyeen ayaa waxa ay u soo hayaamayeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaas oo waayihii danbe qulqulka dadka kasoo barakacaya abaarta halakeeysay koofurta Soomaaliya ay gaarayeen.

Wararka laga helayo Kunturwaarey waxa ay sheegayaan in qaar kamid ah dhalinyarada Shabaabku ay dhalanrogeen  ay barakayacaal dhinbaateysan oo isugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah in ay kulaabtaan deegaanadii ay kayimaadeen halkii ay Muqdisho soo aadi lahaayeen.

Kooxda ayaa waxa ay si aad ah uga careysantahay dadka isaga soo tegaya deegaanada ay ku suganyihiin, taas oo ay u arkaan hadii ay sii socota in degaamada koofurta Soomaaliya Shbaab kaliya uu ku harayo oo shacabku uu magan gelayo dowlada oo ay kaalmo kahelayaan.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.