Shabaab oo isaga Baxay Degmada Afmadow

Kismaayo (Keydmedia) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Afmadow oo saaka oo dhan uu dagaal ka socday ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii Kooxda Shabaabka ay halkaasi gabi ahaanba faarujiyeen kadib markii ay ku jabeen dagaal xooggan oo saaka oo dhana ka dhacaayay duleedka magaalada.
Warar Keydmedia Online

Waxaa adag in la helo xogg faah faahsan oo ku saabsan xaaladda ay hadda ku suggantahay magaalada Afmadow, waxaana gabi ahaanba hawada ka maqan shirkadihii Isgaarsiinta oo la sheegay inay damiyeen Maleeshiyaadka Shabaabka.

Ilaa hadda macada sababta keentay inay Maleeshiyaadkii Shabaabka ay ka baxaan magaalada Afmadow.

Warka ku saabsan in Maleeshiyaaka Shabaabka ay ka baxeen Afmadow waxaa Keydmedia u xaqiijiyay dad ku suggan magaalada.

Faah faahinta wararka ku saabsan dagaalkii saaka dhacay iyo xaaladda Afmadow ay ku suggantahay kala soco wararkeena dambe.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.