KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Inkastoo kani uu yahay weerarkii ugu horeeyay oo ay soo qaadaan haddana waxaa xalay weerarkaasi ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada huwanta ah ee DKMG ah, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ayaa ka hor tagay weerarka ay xalay Shabaab ku soo qaadeen fariisimahooda duleedka Afmadow.
Ilaa hadda inta la ogyahay 3 ka tirsan Maleeshiyaadii Shabaabka ee xalay soo weerartay duleedka Afmadow ayaa ku geetoyootay halkaasi, halka ay dhaawacyo culus soo gaareen ilaa 10 ka tirsan isla Maleeshiyaadka.
Dad goobjoogayaal ah oo ku suggan degmada Afmadow ayaa Keydmedia u sheegay in meydadka Maleeshiyadii xalay weerarka soo qaaday saaka lagu arkaayo halka uu weerarka ka dhacay.
Masuulyiinta Ciidamada huwanta ah ma aysan sheegin wax khasaare ah oo dhinacooda ka soo gaaray weerarka Shabaab.
Goobtii uu iska hor imaadka ka dhacay ayaa waxaa saaka daadsan dhiig aad u fara badan, waxaana Maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay ka carareen hubkii ay wateen.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.