Shabaab oo Xasan Yacquub Cali U Magacaabay Gudoomiyahooda Galgaduud

Ceelbuur (KON)- Xasan Yacquub Cali oo horay u ahaan jiray Wakiilka kooxda Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa markii Shabaab Kismaayo laga soo saaray waxaa ay Yacquub u magacaabeen Gudoomiyaha gobbolka Galgaduud.
Warar Keydmedia Online

Isagoo la hadlayay Baraha Interka ee taageera kooxda Shabaab ayuu Xasan Yacquub sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in loo magacaabo Wakiilka kooxda Shabaab ee gobbolka Galgaduud.

Lama oga sida xilka Xasan Yaxquub uu uga shaqeyn doono gobbolka Galgaduud maadaama aan wada ognahay in Shabaab gobbolka Galgaduud ay uga sugganyihiin degmada Ceelbuur oo waliba ay ku soo wajahanyihiin Ahlu sunna iyo Ciidamada Itoobiya.

Dad badan ayaa aad u hadal haya waxa in Xasan Yacquub Cali la magacaabo xili Shabaab ay kala carar ku jiraan.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.