Shabab oo gabi ahaan la wareegtay masaajid ku yaala deegaanka ceelasha biyaha

CEELASHA (KEYDMEDIA) - Tan markii kooxda Shabab ay meesha ka saareen kooxdii la magac baxday Xisbiga Islamka, ayaa waxaa soo kordhaya falalka kooxda shabab ay kula wareegayaan masaajidada deegaanka ceelasha biyah iyo goobaha waxbarashada.
Warar Keydmedia Online

Waxaa lagu arkayaa deegaanka ceelasha maleeshiyaadka shabab oo xili walba soo gala meel walba oo ay dadku ku badanyihiin, meelahaas waxaa kamid ah goobaha ganacsiga, waxbarashada, masaajida ayna ka aqriyaan kitaabo iga u gaar ah, muxaadaro weyn ay ku amreen in ay dadku kasoo qeyb galaan taasoo uu ka hadlay horjooge ka tirsan Shabab oo sheegay in ay jirto saddex towxiid, arintaas oo yaab iyo amakaaga ku riday dadkii dhageysanayay.

Waqtigaas hadalada ay dadku isla dhex maryeen waxaa kamid ahaa, ”ma saddex illaah baa jira waa maxay saddexda towxiid” alla nimanku maxay yihiin, iyo hadalo kale oo mucjiso ku abuuray dadka ku nool deegaankaasi.

Ma ahan mid lagu soo koobi oo kaliya qoraal wax la mida dhibaatada ay kooxda Shabab ay u geystaan dadka shacabka ah, mararka qaar waxaa dhaca in caruurta iyo haweenka lagu amro in ay ka soo qeyb galaan siminaar ay iyagu bixinayaan, cidii diidana ay dhibaateyn doonaan. 

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.