Shabakad hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

Falalka amni darro iyo dilalka ayaa kusoo kordhaya magaaladda xili lagu jiro kala-guurka, oo hay'adaha amniga ay noqdeen kuwa dayacay mas'uuliyadooda.

Warar Keydmedia Online
Shabakad hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka booliska dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Shabakad hubeysan, oo falalka amni darro ka fulin jiray magaaladda Muqdisho.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degmada Kaxda, ee gobolka Banaadir kadib markii ay Sirdoonka ay heleen macluumaad horseeday in lasoo qabtay dhamaan xubnaha Shabakadda.

"Sirdoonka Caasimadda ayaa mar walba heegan u ah ka hortagidda khataraha cadawga argagixisada ah ee caadaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Qabashadda Shabakadda ayaa timid xilli falalka amni darro iyo dilalka ay kusoo kordhayaan magaaladda xili lagu jiro kala-guurka, oo hay'adaha amniga ay dayacayeen mas'uuliyadooda.

Farmaajo iyo Fahad ayaa lagu eedeeyay inay wiiqeen awooddii hay'adaha amniga, iyagoo u adeegsadey qaar kamid ah Ciidamada sida Gorgor iyo Haramcad danahooda siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.