Shacabka Kenya oo u dareeray goobaha cod-bixinta

Doorashada guud ee dalka Kenya ayaa la qorsheeyay in lagu qabto loo dareemay maanta oo Talaado ah (9-ka Ogosto 2022) xilli codbixiyaashu dooranyaaan Madaxweynaha, xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka iyo guddoomiyaasha gobollada Kenya.

Warar Keydmedia Online
Shacabka Kenya oo u dareeray goobaha cod-bixinta

NAIROBI, Kenya – Shacabka dalka Kenya ayaa maanta oo Talaado ah u dareeray goobaha cod bixinta doorashooyinka guud ee dalkaas, xilli ku dhawaad 22 milyan oo ruux ay isku diiwaangaliyeen inay codkooda dhiibtaan, sida uu sheegay guddiga doorashada Kenya.

Dalka oo dhan codbixiyayaasha ayaa bilaabay in ay safaf galaan aroortii hore ee saaka, sida ay tabinayso warbaahinta maxalliga ah. Haddii uusan mushhax helin wareegga 1-aad in ka badan 50% codadka la dhiibtay, doorashadu waxay geli doontaa wareeg labaad.

Afar musharrax ayaa ku tartamaya kursiga ugu sareeya dalka Kenya ee Madaxweynaha, hayeeshee, loollanka ugu adag wuxuu u dhaxeeya musharaxa xisbiga United Democratic Alliance (UDA) William Ruto iyo Raila Amollo Odinga oo ka socda Azimio La' Umoja.

Waxaa jira labo musharrax oo kale oo aan aad loo aqoon, kuwaas oo kala ah, David Waihiga Mwaure oo hoggaaminaya xisbiga Agano iyo George Wajackoyah oo isna ah hogaamiyaha xisbiga ‘Roots’ ee Kenya –( Roots Party of Kenya). Fursadda musharrixiintaan ma buurna.

Sida ay muujineyso ra'yi ururin la sameeyay, baratanka kursiiga Madaxweynaha wuxuu u  dhaxeeya madaxweyne ku xigeenka hadda William Ruto, oo 55 jir ah iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo 77 jir ah, afar jeer oo horana doorashada ku guul darreystay.

Sida uu dhigayo dastuurka Dowladda Kenya Madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta ayaan mar saddexaad u tartami karin xilka ugu sarreeya waddanka, si la mid ah Guddoomiyeyaasha Gobollada oo laba jeer iyaguna xilka hayay ayaan baratami doonin.

RAILA AMOLO ODINGA

Raila Odinga oo madaxa la sii galaya da’aadda 78-aad, wuxuu hore u soo noqaday, Ra’iisul Wasaaraha Kenya intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, wuxuu xilli ka mid ahaa Baarlamaanka waana ganacsade ku tartamaya ODM oo hoos yimaada Isbahaysiga Azimio La Umoja.

Odinga oo loogu yeero hogaamiyaha mucaaradka Kenya, waa sadankii uu ugu rajada fiicnaa, maadaama uu garab ka helayo Madaxweynaha xilka ka degaya, yeelkeede, sanadaha kala ah 1997, 2007, 2013 iyo 2017, ayuu ku guuldarreysatay inu hoggaanka qabto.

Raila Odinga, wuxuu ololihisa tiirar uga dhiga, kobcinta dhaqaalaha isaga oo ballan qaaday inuu sameyn doono maal galinta ganacsiyo yaryar iyo qaybta Warshadaha wax soo saara, bixinta adeegyo caafimaad oo aasaasi ah iyo horumarinta ciyaaraha iyo bulshada.

Kadib isku day afgambi oo dhacay 1-dii Agoosto ee sanadkii 1982-dii, Raila Odinga waa la xiray waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay qiyaano qaran, hayeeshee, Odinga wuxuu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha afgambigaas.

WILLIAM SAMOEI RUTO

William Ruto, waa 55 jir hadda ah Madaxweyne ku xigeenka Kenya, waa hoggaamiyaha xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda oo xulufo la ah isbaheysiga siyaasadeed ee Kenya Kwanza, kaas oo Ruto u doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne ee doorashada.

Doorashadii guud ee Ogosto 2017, Uhuru iyo Ruto ayaa ku guuleystay, kadib markii ay heleen 54% codadkii la dhiibtay, hayeeshee maxkamadda sare ee Kenya ayaa baabi'isay natiijida, mar kale doorashadii ku celis ahayd ayay heleen 98% codadkii la dhiibtay.

Ololihiisa wuxuu ku sheegay inuu sanadkii $424 malyan oo doolar u quundeyn doono ganacsiyada yaryar, isagoo ballan qaaday inuu aasaasi doonaa santuuqa waxbarashada qaran oo bixiya cuntooyinka ardeyda iyo inuu haween ka dhigayo kala bar Wasiirradiisa.

2008 dii maxkamadda Sare ee Kenya aya ku amartay Ruto in uu soo ceeliyo beer 100-acre ah uuna bixiyo $62,500 oo uu siinayo Adrian Muteshi, oo ah beeraleey ku eedeeyay in uu xoog uga qaatay dhulka beerta kadib doorashadii 2007-dii. 

CABSIDA JIRTA

Boqolaal qof oo isugu jira muwaadiniin Kenyan ah iyo ajaaniib, ku dhaqnaa gudaha Kenya, ayaa u qaxay dhanka dalka Uganda saacadihii la soo dhaafay, kuwaasoo ka gudbay xuduudka Busia iyo Malaba, ka hor inta aysan saaka billaaban doorashada Kenya.

Ajaaniibta Kenya ka baxday ayaa la sheegay in ay u badan yihiin Burundi, Rwandan, Asian, American iyo British kuwaasoo sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay mar kale dhacaan rabshado ka dhashay doorashada, si la mid ah doorashadii 2007 oo gilgishay Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.