KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha Jabuuti, ayaa maanta lagu wadaa in uu hortago Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho, sida ku cad farriin loo diray Xildhibaannada oo ay aragatay warbaahinta Keydmedia Online.
MUQDISHO, Soomaaliya – Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran maalintii labadaad, sabab la xariirta booqashada wufuudda caalamiga ah ee caasimadda ku sugan oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Waddooyinka qaar xitaa looma oggola in ay shacabku lugeeyaan, waxaa xiran xurumihii ganacsiga, wax-barashada iyo qaar ka mid ah goobihii adeegyada caafimaadka bixinayay, taasoo muujineysa in Dowladda hadda talada heysa aysan baddelin siyaasaddii jid jaridda.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti Geelle oo ay wehliyaan masuuliyiin ka kala socoto gobollada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ayaa maanta xarigga ka jari doona xarunta Akadeemiyo gobolkeedka Afka Soomaaliga ee AGA oo laga dhisay Muqdisho.
U-jeedka loo furayo Akadeemiyadda ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed, kuwa Jabuuti iyo kuwa kale ee ku nool degaannada Soomaalida Itoobiya iyo Kenya ay ka caawiso kobaca afka Soomaaliga si afku uu horumar waara uga sameeyo guud ahaan Geeska Afrika.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jabuuti, ayaa maanta lagu wadaa in uu hortago Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS oo kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho, sida ku cad farriin loo diray Xildhibaannada oo ay aragatay warbaahinta Keydmedia Online.
Geelle ayaa la filayaa inuu hadal jeedintiisa diiradda ku saaro xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, arrimaha la xariira amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhan ah Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab iyo qodobo kale.
Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh ayaa noqday saaxiibbo siyaasadeed oo aad isugu dhow, kadib doorashadii 15-kii May 2022 ee meesha ka saartay Maxamed Farmaajo oo Itoobiya iyo Eritrea awgood ula colleytamay Dowladda Jabuuti iyo hogggaankeeda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.