KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxudiin Xasan Jurus ayaa oo ka hadlay munaashada ayaa sheegay in shacabka Yaaqshiid ay diyaar u yihiin horumarinta degmada iyo gobalkaba ayna u hogaansamayaan amar walba oo ka soo baxa dowladda.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay isla shaqeeyaan oo ay iskaashadaan wuxuuna sheegay in hadii aanan amaanka laga wada shaqayn aanan la sugi Karin.
Maxamuud Axmed Nuur tarsan gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir oo dhankiisa ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in shacabka magaalada Muqdisho u baahanyihiin horumar dhinac walba ah.
Degmooyinka kala duwan ee caasimada Soomaaliya ayaa mudooyinkaanba waxaa ka socday ololo dadka lagu waxyi galinayay oo lagu tusayay qiimaha ay leedahay nabada iyo isdhexgalka bulshada.
Haatan ayaa waxaa muuqata in amaanka magaalada uu ka soo raynayo, taasi oo ka danbaysay ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa amaanka oo badiyay howlgalada sugida amaanka ah ee magaalada caasimada ah.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.