Shaki xooggan oo hareynaya safarka RW Rooble ee Qatar

Qatar, ayaa la sheegayaa in cadadis siyaasadeed iyo awood dhaqaale dooneyso in ay u adeegsato dib u doorashada Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Shaki xooggan oo hareynaya safarka RW Rooble ee Qatar

DOOXA, Qatar – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay booqasho ku tagay magaalad Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay dhiggiisa Sheekh Khalid Bin Khalifa Al-Thani, oo ah Ra’iisul Wasaaraha Qadar iyo Amiirka waddankaas, Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Ra’iisul asaaraha Soomaaliya, iyo dhiggiisa Qatar, ayaa maanta wadajir u guddoomiyay kulan xubnaha Wasiirrada ah ee qeybta ka ah wefdiga Ra'iisul Wasaaruhu la yeesheen dhiggooda dalka Qatar, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga wasaaradaha labada dal.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah, Sheekh Tamim, ayaa casuumaadda Ra’iisul Wasaraha uga gol-leh, inuu soo af-jaro khilaafka bishii la soo dhaafay xoogeystay ee Rooble kala dhaxeeya Farmaajo, kaas oo dowladda dhaqaalaha badan heysta ee Qatar ay u aragto mid haddii uu si socdo meesha ka saari kara Shabakaddooda ku milan siyaasadda Soomaaliya.

Xoguhu waxa ay tilmaamayaan in hoggaanka Qatar adeegsan doonaan, hab kasta oo macquul ah, oo lagu soo gabagabeyn karo khilaafka labada dharaf, waxayna Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya kala hadli doonaan inuu si dadban u dhiso Farmaajo oo ah musharaxa ay garab taagan tahay Xukuumadda Dooxa.

Saacadii la soo dhaafay, waxaa si weyn u xoogeysay, shaki hareynaya u jeedka Safarka RW Rooble, waxaana maanta makii ugu horreysay muddo dheer kadib warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kaas oo si dadban u muujiyay tuhunka la qabo.

Kheyre, wuxuu ku dhawaad labo isbuuc ku soo qaatay Dooxa, ka hor inta aan Barlamaankii 10-aad xilka ka raacdeyn maalmo kadib soo laabashadiisa, wuxuuna maanta u muuqday siyaasi ka digaya khatarta ka imaan karta hoggaamiyaha Qatar  Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Qaar ka mid ah dadka u dhuunduleela siyaasadda Soomaaliya, ayaa aaminsan, in Kheyre, qudhiisa oo lacag ku qaatay habkii shaqada looga raacdeeyay, isla-markaana uu wax ka ogaa, haddana ka mid yahay shaqsiyaadka si joogto ah miisaaniyad uga hela Qatar.

Dhanka kale, Golaha Midowga Musharixinta, ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin galabta ku yeeshay Caasimadda, waxaana qodobada kulankaas looga hadlay qeyb ka ahaa Safarka Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsinta, ayaa billowgii bishii hore xilka agaasimaha hay’adda NISA, ka raacdeeyay Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay in Kooxda Farmaajo masuul uga yahay xiriirka Qatar.

Safiirka Mareykanka oo aan wali la soo magacaabin, kadib bixitaankii Yamamoto, ayaa fursad gooni ah siineysa Qatar oo lagu dhaleeceyo in ay lacago xooggan u adeegsato danaheeda siyaasadeed ee ku wahan Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.