Shaqo la’aan baahsan oo ka taagan gudaha dalka

Daruufo shaqo la'aan ah ayey xilligan wajahayaan, inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed, taas oo ku xanbaartay in ay nolosha quus ka istaagaan.

Warar Keydmedia Online
Shaqo la’aan baahsan oo ka taagan gudaha dalka

MUQDISHO, Soomaaliya- Dhibaatooyinka shaqo la'aan ee dalka ka jira, ayaa kordhaya, waana arrin dhallinyarada ku riixeysa in ay u bareeraan khataro kala duwan.

Ma jirto wax shaqaale ah oo ay dowlada Soomaaliya qaadatay 5-tii sano ee uu Farmaajo dalka joogay, iyadoo muddadaas ay badanayeen dhallinyarada ka qallin jabineysa kulliyadaha kala duwan ee laga barto jaamacadaha ku yaalla dalka.

Dhallinyarada ayaa noqday, kuwo fadhiya meelaha laga shaaho iyo goobaha maddadaalada, sababo la xiriira shaqo la'aanta hareysay.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ayey shaqo la'aantu ku xanbaartay, in ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee dalka ka dhacaya, maaddaama ay yihiin dad dhaqaale doon ah, oo waayey wax fursad ah.

Dadka waxgaradka ah, ayaa ku eeddeynaya dowladihii dalka soo maray in ay dayaceen xoogga dhallinyarada, oo bulshada ka ah tiro aad u badan, waana arrinta keliftay in looga fa'iideysto daruufaha hareeyey.

Dhallinta qaarkood ayaa go'aansaday, in ay dalka isaga cararaan, oo ay tahriibaan, si ay u helaan nolol dhaanta tan dalkooda hooyo, balse badankood waa kuwo tahriibka ka dhaxlay mahadho tiiraanyo badan, maddaama ay qeybtood geeriyoodeen, kuwa kalana ay ku fashilmeen nolosha dalalkii ay magan galyada weydiisteen.

Si kastaba, dowlada curdunka ah, ayaa looga fadhiyaa, in ay xil iska saarto, habkii ay shaqo abuur ugu sameyn lahayd dhallinyarada, oo xilligan daruufo adag maraya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.