KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kadib markii uu ka soo dagay Garoonka Aadan Abdulle ee Magaalada Muqdisho hadal kooban oo uu saxaafadda u jeediyay ayaa waxa uu sheegay in xiligan loo baahanyahay Barlamanka iyo Xukuumada in ay Midoobaan si wada shaqeynta ay u sii socoto.
Shariifka iyo Wafdigiisa ayaa Socdaalo kale Duwan waxa ay ku soo kala bixiyeen Dalalka Kenya iyo Dubia, waxaana sida uu sheegay halkaasi ay kulamo kula Soo yeesheen Madaxda Dalalkaasi
"Barlamaanka iyo Xukuumada waa Mataano, muhiimad gaar ah ayeeyna leedahay in ay midoobaan" sidaa waxaa yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Xildhibaanada qaarkood ayaa aaminsan in midoobidan uu ku baaqay gudoomiyaha ay tahay mid uu ku doonayo inuu meesha uga saaro qorshaha la xisaabtanka Xukuumada oo ay hada wadaan mudanayaal ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.