KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sida ay xaqiijinayaan warar aan ka helnay ilo madaxtooyada ku sugan waxaa lagu wada maanta in la soo bandhigo liiskaasi laakiinwaxaa ka horyimid shariif Sakiin oo mar kale ay u cuntami weysay qaabka uu wax u wado Shariif Axmed.
Wararku waxa ay sheegayaan in shariif Axmed iyo Mr Gaas ay doonayaan in golaha laga dhigo 18-isla markaana ay ahaadaan kuwa hada shaqeeya ee ka haray farmaajo, laakiin arinkaas waxaa diidan oo is hortaagay Shariif Sakiin.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in qorshaha uu yahay iminka xubna muhiim ah la siiyo shariif Xasan si uu u raali noqodo, waxaana dad xog-ogaal ah ay noo xaqiijiyeen ina cali gaas inuu qorsheystay is casilaad haduu muranka Sii socodo.
Waxaa soconaya iminka kulamo ujeedadooda ay tahay xal u helida arintaasi, iyadona xaalada ay aad u cakirantahay.
WWW.KEYDMEDIA.NET
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.