Sheekh Shaakir oo abaabul ciidan ka wada Bohol

U jeedka Shaakir duullaanka ugu yahay degaanno nabad ah, ayaa ah inuu helo kursi siyaasadeed iyo dad uu xukumo, wuxuuna doonayaa inuu mar kale daadiyo dhiig badan, isla-markaana barakiciyo in ka badan 100,000, oo qoys oo dan yar ah.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shaakir oo abaabul ciidan ka wada Bohol

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Koox diimeedka Ahlu sunna Waljamaaca, degaanka bohol ka wadaan, dhaqdhaqaaqyo ciidan, xilli la guda galay tobankii danbe ee bisha Ramadaan.

Hoggaamiyaha Kooxdaas, Sheekh Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta degaankaas ku soo bandhigay ciidan si xooggan u qalabeysan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay duullaan ku yihiin magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Billowgii bishii October ee sanadkii hore ayay ahayd, markii ciidan taabacsan Shaakir la wareegeen gacan ku heynta Guriceel, ka hor inta aysan dib uga bixin isla-dhamaadkii sanadkaas, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay magaalada.

Kooxdaan oo in ka badan 10 sano maamuleysay degmooyinka, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, ayaa laga fara-maroojiyay maamulkii gobolka, dhamaadkii 2019, kadib markii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, uga baxday ballamo siyaasadeed.

U jeedka Shaakir duullaanka ugu yahay degaanno nabad ah, ayaa ah inuu helo kursi siyaasadeed iyo dad uu xukumo, wuxuuna doonayaa inuu mar kale daadiyo dhiig badan, isla-markaana barakiciyo in ka badan 100,000, oo qoys oo dan yar ah.

Inta badan ciidamadii Madaxtooyada Soomaaliya ku daad gureysay Guriceel, ayaa wali ku sugan gobolka, mana jiraan wax howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay qaadeen tan iyo markii la geeyay Galgaduud, taasoo muujineysa qorshe la’aan xooggan.

Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor, ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, wuxuuna halkaas u jooga ka shaqeynta dib u doorashada Farmaajo, xilli maamulka uu masuulka ka yahay wajahayo xaalado amni darro.

Labadii bilood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho, waxaa ka socday, abaaulka kulamo siyaasadeed oo ka dhan ah hoggaanka Qoorqoor, waxaana dhidi-bada loo taagay madal loogu magac daray Badbaadada Galmudug, taasoo cadaadis saarta Qoorqoor.  

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.