Sheekh Shariif oo ku laabtey Jowhar

HirShabeella waxaa yaalla 45 kursi oo Farmaajo iyo Mucaaradka ku tartamayaan, si ay ugu guuleystaan doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya oo dhacaysa Febuary 8, 2021.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo ku laabtey Jowhar

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Shariif, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtey magaaladda Jowhar, oo isla maanta ay ka dhacayso doorashadda gudoonka Baarlamaanka HirShabeelle.

Waa safarkiisa labaad mudo ka yar hal todobaad oo Jowhar ku tagayo, waxaana lala xiririnayaa inuu wado Sheekh Shariif olole doorashaddiisa ku saabsan, isagoo xusul duub ugu jira in Madaxweyne mar labaad ka noqdo dalka, xilkaaso oo ugu dambeysay 2012.

HirShabeella waxa uu kula kulmay safarkii hore Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan iyo qeybaha bulshadda, isagoo kala hadlay arrimaha muranka ka taagan iyo sidii xal looga gaari lahaa 9 kursi oo beelaha ay ku mursan yihiin, kuwaasoo wali aan lagu soo darin Baarlamaanka cusub ee HirShabeelle.

Maamulka HirShabeelle, sida uu sheegay Waare wuxuu noqday meel lagu fulisto dano doorasho oo ay leeyihiin madaxda xiligaas joogta Villa Somalia iyo mucaaradka, taasoo meesha ka saartay masiirkii Shacabka Maamulkan dhistay 2016.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.