Sheekh Shariif oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo

Doorashadda caga-jiidaysa waxay dhaawacday kalsoonidii shacabka iyo rajadii laga qabey in dalka uu ka baxo nidaamka jahwareerka siyaasadeed iyo qabiilka.

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo weerar afka ah ku qaadey Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaadey Farmaajo, oo ku fashilmay mas'uuliyaddii loo doortey.

Waxuu sheegay in xaaladda hubanti la'aanta doorashadda uu sabab u yahay Farmaajo, islamarkaana ay ka dhalatay xil-gudasho la'aantiisa, maadaama uusan ka shaqeynin sidii dalka doorasho uga dhici lahayd marka uu dhamaado mudo-xileedkiisa Feb 8.

Sheekh Shariif ayaa wax aan sax ahayn ku tilmaamay habdhaqanka Farmaajo, ee ah inuu sida uu doono u adeegsadey mas'uuliyadda umadda u hayay, taasoo keentay inuu ku fashilka xilka Madaxweynaha, maadaama uu marayay waddo qaldan.

Madaxweynihii hore ayaa ku xusay in Soomaaliya ay ka dhici jirtay doorashadda afartii sano mar, iyadoo dowlado dafiic ah ka jiraan, balse hadda xaaladda mugdiga ah ee la galay ka timid qaladaadka Farmaajo, oo ku hogaamin waayay dalka wadadii saxda ahayd.

Doorashadda dib u dhaceeda waxaa ka dhashay xasilooni la'aan siyaasadeed iyo dhaqaale xumo, waxaana fara ka baxay amniga, iyadoo hay'adihii dowladda ee mudo-xileedkooda dhamaadey ay ka socdaan musuq-maasuq iyo boob hantida dadweynaha.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqey dowladda xil-gaarsiinta iyo Maamullada inay qaataan doorkooda, oo ay soo dejdejiyaan doorashadda, si loo daba-qabto Soomaaliya, oo qarka kasii dhacaysa, kuna socota jidki burburka dowladnimada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.