Sheekh Shariif oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Some Onger

Muqdisho (KON)- Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee TFG-da oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulu u cambaareeyay hadal maalmo ka hor ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Some Ongeri kaas oo ahaa inuu ka dambeeyay weeraradii Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Some Onger

Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa xiligii  ay qaraxyada ka dhacayeen ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Some Ongeri iyo wafuud kale oo caalami ah, waxaana Some Ongeri  wasiirka arrimaha dibadda uu sheegay in qaraxyadaasi uu ku lug lahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed taas oo keentay inuu maanta si kulul uga jawaabo.

“Warka uu mr  Some Ongeri warbaahinta ka sheegay waa been abuur, waa war aan laga fiirsan oo la iska yiri,  waxaana u arkaa in uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay, waa wax aan dhici kari in aan mas”uul Soomaaliyeed ama Muwaadin Soomaali ah aan shir qool noocaas ah loo dago,"ayuu yiri Sheekh Shariif Madaxweynihi hore ee TFG-da.

Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya ay u ololeeneysay inuusan markale ku soo laabanin xilka Madaxtinimada Soomaaliya taasoo keentay buu yiri in meel cidla ah warar been ah ay ka baahiyaan.

Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.