Sheekh Shariif “Waxaan diyaar u nahay inaan Cafino Burcad Badeedda Soomaalida”

Dubai (Keydmedia) - Madaxweyne Sharif Sheikh Axmed oo ka Qeyb galay Shirka Caalamiga ee Burcad Badeedda Soomaaliyeed oo lagu qabanaayo Magaalada Dubai ayaa Cafis u fadiyay Kooxada Burcad Badeedda Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online

Sharif Axmed ayaa sheegey in Dawladda Soomaaliyeed ay Cafis u fidinayso cid kasta oo hore uga tirsaneed Burcad Badeedda Soomaalida. 

Madaxweynaha ayaa ballan qaad rasmi ah u fidiyay Dhallinyaradaas isagoona hoosta ka xarriiqay in dawladdu ay damaanad qaadayso Mashruuc u abuuridda Dhallinyarada mudada ku shaqaysanaysey Hawlaha Burcad Badeedda.

"Anaga waxaa Diyaar u nahay inaan Cafino Burcad Badeedda hadii ey balan Qaadaan iney ka Tanasulayo Falalkii ey hore ugu jireen" ayuu Shirki Madaxweynaha.

Hadalkan Madaxweyne Shariif ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay shir ay ka soo qayb galeen Wadamada Beesha Caalamka loogana hadlayay Burcad Badeedda Soomaalidu.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.