Shir uu guddoominayo Rooble ayaa ka furmay Muqdisho

Shir ay qeyb ka yihiin madaxweynayaasha dowlad goboleedyada uuna shir guddoominayo Ra'iisul Wasaars Rooble ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Shir uu guddoominayo Rooble ayaa ka furmay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominaya kulan isaga, Madaxweyanayaasha dowlad goboleedyada, Gobolka banaadir iyo Beesha Caalamka uga furmay magaaladda Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay ka mid yihiin hirgalinta heshiiskii kasoo baxay Shirkii Golaha Wada tashiga Qaran ee Arimaha Doorashooyinka oo dhawaan lagu soo gabo gabeeyey magaalada Muqdisho.

Xubnaha wakiilada beesha caalamka ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya kulan udhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe kaddib wadahadalladii burburay ee uu Farmaajo shir guddoominayay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.