Shir looga hadlayo shaqo’aanta dhalinyarada oo ka dhacaya Hargaysa

Muqdisho (KON) Shir balaaran oo looga hadlayay heerka shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Hargaysa, ka dib markii dhalinyarada intooda badan ay noqdeen kuwo aanan shaqayn.
Warar Keydmedia Online

 

Wasiirka Arimaha Bulshada ee maamulka Soomaaliland Maxamuud Axmed Bare ayaa sheegay in shirweynahaan ay ku baaqday wasaaradiisa isla markaana ay ka soo qaybgali doonaan masuuliyiin badan.

Wasiirka ayaa sheegay in dhibaatada haatan heesata dhalinyarada Soomaaliyeed aytahay mid laga dhiidhiyo oo aanan loo dulqaadan karin hadii ay sidaan ku sii socdaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in waxyaabo badan ay sabab u tahay shaqo la’aanta dhalinyarada oo ay ka midyihiin Soomaaliland oo aanan wali la aqoonsan iyo hay’adaha maalgashiga oo aad u yar.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.