KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kulamada waxaa diiradda lagu saarey arrimaha doorashadda iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan, oo ay kamid tahay xiisadda siyaasadeed.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamullada ayaa shirkoodii Maanta ugu yeeray Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Mushariixinta Mucaaradka.
Waxay marka hore la kulmeen Wakiiladda Beesha Caalamka, oo uga warbixiyeen waxyaabihii ay shirkooda socday tan iyo shalay uga hadleen, iyo caqabadaha xalka u baahan.
Saaxiibadda Beesha Caalamka ayaa u balan-qaadey Rooble taageero buuxda si loo dhameystiro doorashadda, maadaama ay tahay xalka kaliya ee looga gudbi karo jahwareerka.
Caqabadaha waaweyn ee doorashadda in la saxo hortaagan waxaa kamid ah faragelinta Farmaajo, khilaafka siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta Gudiyadda doorashooyinka.
Rooble ayaa talo ku aadan sidii wax lagu sixi karo ka dhageystay Mushariixinta Mucaaradka, oo soo jeediyay dhowr qodob oo daah-furnaanta doorashadda lagu soo celin karo.
Waxay u sheegeen Rooble in inta uu Farmaajo joogo Villa Somalia aysan suurta-gal noqon doonin dalka in doorasho natiijadeeda lagu wada qanacsan yahay ka dhacdo sanadkan.
Musharixiinta waxay ku cel-celiyaan in Rooble hadii uusan sixin habraaca, islamarkaana la ilaalin hufnaanta iyo daah-furnaanta doorashooyinka ay qaadacayaa natiijadda.
Waxay Mushariixinta soo jeediyeen in lagu laabto doorashadda kuraasta lagu mursan yahay, sidoo kalena la baabi'iyo go'aanadii uu soo saarey Gudiga Xalinta Khilaafaadka.
Hal sano ayay soo jiitamaysay doorashadda, mana muuqato rajo wanaagsan in sanadkan ay dhamaanayso, marka la eego inta caqabad ee Madaxda looga baahan yahay inay xaliyaan.
Arintii Gedo wali lama xalin, Beledweyne Guudlaawe way ku adkaatey inuu sanduuq doorasho geeyo, sidoo kale Lafta-Gareen Baraawe kuma qaban karo doorasho cabsi laga qabo Al-Shabaab. Waxaa intiisi dheer loolanka Farmaajo iyo Rooble oo saameyntiisa laga dareemay doorashadda kadib markii kala qeybsameen gudiyadda doorashooyinka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.