KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wasiirka Arrimaha gudaha, Ahmed Macalin Fiqi oo Madaxda Dowlad Gobaleedyada ku soo dhaweenaya Magaalada Muqdisho ayaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
MUQDISHO, Soomaaliya – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad gobolleedyada ayaa lagu wadaa inuu Khamiista berri ah ka furmo magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan xogo aan helnay shirka ayaa laga hadli doonaa xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladha xubnaha ka ah, dadaallada la dagaallanka Al-Shabaab, abaaraha iyo heshiiska shidaalka ee dhawaan la saxiixay.
Madaxweynaha ayaa todobaadkii hore heshiis shidaal baaris ah oo ay ku kacayso malaayiin dollar la saxiixday shirkadda Coastline Exploration, taasoo bankiga dhexe ee Soomaaliya ku shubtay lacag dhan 7 milyan oo dollar.
Villa Somalia wali ma aysan xaqiijinin Ajandaha iyo xogta shirka, hayeeshee, inta badan Madaxda Maamullada ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan Caasimadda, waxaana duhurnimadii maanta soo degay Madaxweynaha K/galbeed.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul gobolleedyad ayaa 11-12 September 2022 magaalada Muqdisho ku yeeshay shir, midkaan ayaana noqonaya midkii 3-aad tan iyo shirkii labada maalin socday ee dhacay maalmo kadib doorashadii 15-kii May.
KEYDMEDIA ONLNE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.