Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo lasoo afjaray [Maxaa kasoo baxay?]

Waa Shirkii 5aad ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo la qabto tan iyo dowladdii Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo lasoo afjaray [Maxaa kasoo baxay?]

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa lasoo afjaray Shirkii 5aad ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka [Somalia Partnership Forum], ayaa lasoo gaba-gabeeyay galabta, iyadoo ka qeybgalkiisa iyo ahmiyadiisa ahayd mid hooseysa.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa gudoomiyay Kulanka, iyadoo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka uga qeybgaleen qaab ZOOM ah, waxaana laga jeediyay madasha khudbado u badnaa eedeymo dowladda Farmaajo loo jeediyay.

Wax go'aanno ah laguma gaarin shirka, marka laga reebo in dib u eegis lagu sameeyay waxyaabihii dowladda Soomaaliya u qabsoomey tan iyo markii shirkan la billaabay 5 sano kahor, si taageeradda Beesha Caalamka ee Soomaaliya loo mideeyo.

Axmed Madoobe ayaa ka jeediyay kulanka khudbad uu ku weeraray Farmaajo, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu jebiyay heshiiskii doorashadda, islamarkaana uu dalka u horseedayo fowdo iyo qalalaase.

Wuxuu Madoobe ku baaqey markale in Gedo laga soo qaado Ciidanka Farmaajo ku qabsaday 10 bilood kahor, si looga qabto doorashadda Xildhibaanada, ee la qorsheeyay in Garbahaarey ka dhacdo.

Deni wuxuu isna taageeray hadalka Axmed Madoobe, isagoo xusay in loo baahan yahay wixii lagu heshiiyay in la fuliyo, sidoo kalena uu Farmaajo dhowro sharciga dalka, oo ah midka kaliya hadii lagu dhaqmo lagu gaari karo doorasho loo dhan yahay.

Rooble ayaa sheegay inuu ku qaban doono Muqdisho shir u dhaxeeyay DF iyo Maamullada, oo lagu xalinayo khilaafaadka jira, waxuuna ku dhawaaqay inuu safar ku tagi doono Galmudug iyo Puntland dhawaan.

Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga ayaa soo dhaweeyay hadalka Rooble, isagoo ku baaqey in sida ugu dhaqsiyaha badan todobaadkan ama midka xiga Madaxda Soomaaliya Shirka ku yeeshaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.