Shirka Musharixiinta oo galay Maalintii 2aad

Markii hore kahor shirka qoraal ay soo saareen, Musharixiintaas waxay ku hanjabeen inay qaadacayaan doorashooyinka soo socda, iyagoo u sababeeyay faragelinta madaxweynaha xilka haya Maxamed Farmaajo ku hayo dhismaha gudiyadda

Warar Keydmedia Online
Shirka Musharixiinta oo galay Maalintii 2aad

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo iyo toban Musharrax Madaxweyne ayaa maalintii 2aad shir uga socdaa magaalada Muqdisho, kaasoo la filayo inay berri kasoo saaraan war-murtiyeed ay ku shaacin doonaan mowqifkooda ku aadan doorashadda Soomaliya 2020-21.

Kulanka saddex maalmood soconaya ayaa waxaa ka qeybgalaya Musharrixiin u badan shakhsiyaad mucaarad ah, kuwaasoo si qoto dheer uga doodaya qaababka lagu xallin karo khilaafaadka dhexdooda ah, si ay u wajahaan madaxweynaha xilka haya.

Ka soo qeyb galayaasha waxaa ka mid ah Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo hogaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, gudoomiyaha xisbiga Wadajir iyo Cabdikariim Guuleed, hogaamiyihii hore ee Galmudug.

Kahor shirka qoraal ay soo saareen, Musharixiintaas waxay ku hanjabeen inay qaadacayaan doorashooyinka soo socda, iyagoo u sababeeyay faragelinta madaxweynaha xilka haya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku hayo dhismaha gudiyadda.

Farmaajo oo doonaya markii labaad uu dalka Madaxweyne ka noqdo, wuxuu ka buuxiyey Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Saraakiil hay'adda Sirdoonka NISA katirsan, shaqaale dowladeed iyo shaqsiyaad isaga ku dhow.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.