Shirka Musharixiinta oo waqti dheeraad ah lagu daray

Waxaa lagu wadey Maanta in Shirka lasoo gaba-gabeeyo, islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed, balse dib loo dhigay.

Warar Keydmedia Online
Shirka Musharixiinta oo waqti dheeraad ah lagu daray

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa waqti dheeraad ah lagu daray mudada uu soconayo Shirka Musharixiinta uga socda hotel-ka Jazeera, oo ku kulansan yihiin 14 musharax.

Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Musharixiinta oo inta badan warbaahinta siiya arrimaha Shirka ayaa sheegay in gogasha ay ballaariyeen, kuna casuumeen Culimada, Odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, Haweenka iyo qeybaha kale ee bulshadda.

Wuxuu xusay in Musharixiinta ay qaadanayaan doorkii uu gabay Farmaajo, ee ah badbaadinta iyo isku heynta dalka, islamarkaana ay ka shaqeynayaan inay qabsoonto doorasho loo dhan yahay, nabdoon, oo xor iyo xalaal ah.

Shirkan ayaa maanta galay maalintiisa 3aad, waxaana la filayaa inuu sii socdo maalmo kale, maadaama uu soo jiitay siyaasiyiin iyo Mas'uuliyiin kale oo dowladda katirsan oo ku biiraya, kadib markii ay arkeen inuusan Farmaajo meel wanaagsan u wadin dalka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada Waqooyi ayaa maanta ka qeybgalay kulanka, iyagoo muujiyay inay taageersan yihiin diidamada mucaaradka ee gudiyadda doorashooyinka la musuq-maasuqay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.