Shirka Japan ee Arimaha Soomaaliya

Muqdisho (KON) Shirka ka furmaya magaalada Yakohama ee dalka Japan waxaa ka qeyb galaya madax kala duwan oo qaarkood ka socda qaar kamid dalalka qaarada Africa, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, madax ka socota Bangiga adduunka iyo hayado caalami ah.
Warar Keydmedia Online



Waxaa wada gudoominaya shirka madaxweynaha dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe, waxaana ka hor shirka guud la filayaa in kulan gaar ah ay wada qaataan madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Japan.

Afhayeenka madaxtooyada ahna la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in shirka oo diirada lagu saarayo arimaha Africa in sidoo kale shirkaan ay ka rajaynayso dowlada Soomaaliya inuu noqdo shirkii ka dhacay magaalada London 7-dii bishan May kaasi oo dhaqaalo badan dowlada loogu deeqay.

Ugu dambeyn Afhayeenka madaxtooyada ahna la taliyaha madaxweynaha wuxuu sheegay in 15-bisha soo socota madaxweynaha dalka uu ka qeyb geli doono shir caalami ah oo ay yeelanayaan wadadamada horumaray ee G8-ka loo yaqaan, sidoo kalana madaxweynaha uu ka qeyb geli doono shir kale oo 16-September ka dhacaya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, waxaana Eng Yariisow uu hadalkaan ka sheegay kadib waraysi uu siiyay BBC-da.

keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.