KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shirkaan oo si aad ah looga hadlay baahiyada Soomaaliya, dib u dhiska dalka, amaanka iyo arimo badan oo kale ayaa waxaa jira dhqaalo badan oo dowladaha ka soo qaybgalay shirka ay ugu deeqeen Soomaaliya.
Dhaqaalaha loogu yaboohay dowlada:-
Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.
Dowlada Ingiriiska ayaa iyana ku deeqday 50-Milion oo dollar.
75-Million $ dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.
Dowladda Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.
Turkiga 10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Qatar 18 Million $ oo dollar.
Keydmedia ayaa sidoo kale si hor dhac u heshay qaarka mid ah war-martiyeedka laga soo saarayo shirka waxaana ka mid ah:-
Bogaadin loo jeediyey guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.
In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.
Dhameystirka Dastuurka qabyada
La dagaalanka Burcadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka
In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho
Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland
Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.
In la siiyo dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka deeqaha bixiya.
Goordhow ayaa waxaa lagu wadaa in ay si wadajir ah shir saxaafadeed ugu qabtaan arunta wasaarada arimaha ee dowlada Uk madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba Raysal wasaaraha dowlada Ingiriiska ayagoo faah faahin ka bixin doono waxyaabaha ka soo baxay shirkaan.
Keydmedia Online xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.