KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shirka London oo Dhici doona 7 May, waxaa Martigalinaya Dowlada Soomaaliya iyo Dawlada Ingiriiska.
Dowladaha Soomaaliya & Ingiriisku waxaay Gogosha Shirka ku marti qaadeen Dawlado ka kala socda 5ta qaaraadood ee Aduunka. Waxaa Shirka Imaandoona: Q/midoobay, EU Barroso, Midowga Africa, Dawlada China, Dawlada Turkiga, Dawlada Mareykanka. Ururka Dawladdaha Carabta, IMF iyo hay’ado farabadan oo Caalami ah.
M/weynaha Dalka D’jibuoti Ismaaciil Cumar Geele ayaa sheegay in Shirka London ay uga Magacaabay Xubnihii uga qeyb gali lahaa oo ka kooban Wafti balaaran oo ay horkacayaan Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada D’jibuoti Maxamuud Yuusuf iyo Wasiirka Ganacsiga Ilyaas Dawaale.
Magaalada London meelaha ay Soomaalidu iskugu tagto ayaa waxaa laga Dareemayaa diyaar-garow, waxaa jira Soomaali farabadan oo ka timid Wadamada Yurub iyo Amerika, kuwaas oo doonaya iney ka qeybqaataan soo dhaweynta M/weynaha Soomaaliyeed ee ka qeybgelaya Shirka 7-da May.
Magaalada London waxaa haatan ku sugan Aqoonyahano ku xeel dheer Guud ahaan Dhaqaalaha Gaar ahaan Ganacsiga, waxaa London ku sugan Wakiilo Ururo- Jaaliyaddeed Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska kuwaas Qaarka Muhimkaa ay ka qeyb geli doona Shir oo Hal Maalin ka socon doona Holka Weyn ee West Minister ee Bartamaha London.
Shir Ajendahiisu waa ‘OPEN FOR BUSSINESS’ waxayna Qodobada Shirka ka kooban yahiin:
1- Ganacsiga iyo dhaqaalaha 2- Sharciga iyo kala dambeynta 3- Caafimaadka 4- Wax barashada 5- Fursadaha dhalinyarada loo sameyn karo 6- Beeraha iyo Kaluumeysiga 7- Gaadiidka iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.
Shirkaan waxaa kaloo lagu casumay in ay kasoo qeybgalaan ilaa 50 Dowladood, waxaana Casumaadaas loola danleeyahay in ay Dowladahaas bixiyaan Dhaqaale lagu hirgaliyo dib u dhiska Dalka Soomaaliyeed oo 22 Sano Burburkiisa la fiirsanayay.
Keydmedia Online - Xafiiska London
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.