KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shirkan oo socon doona mudo laba maalin ah ayaa waxa labada dhinac ay uga hadli doonaan mustaqbalka iyo aayaha Somaliland oo dooneysa in ay ka madax banaanaato Soomaaliya inteeda kale.
Dowlada Britian ayaa dooneysa in labada dhinac ay uga hadlaan arimahooda iskuna qanciyaan halka ay arintu u biya shuban doonto, oo ah in Somaliland ay raacdo Soomaaliya ama in Dowlada KMG Soomaaliya ay u ogolaato in Somaliland noqoto dal madax banaan.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in ahmiyadooda koowaad ay tahay madaxbanaanida Somaliland, halka wasiirka arrimaha gudaha Somalia C/samad Macalin oo hogaaminaya wafdiga ka baxay Muqdisgho uu rajo ka qabo in wax walba ay ku dhamaan doonaan is afgarad.
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.