Shirkada Hormuud oo Amarkii Al-shabaab u Fulisay

Muqdisho (KON) - Shirkada Hormuud oo ka mid ah Shirkadaha Isgariisinta Dalka ayaa Maanta Guud ahaan joojisay adeegii Internetka ee Taleefanada Gacanta, kadib markii dhawaan Maleshiyada Al-shabaab ay ku Amreen in Hormuud ay Adeegaas joojiso.
Warar Keydmedia Online
Shirkada Hormuud oo Amarkii Al-shabaab u Fulisay

Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkada Isgaariisnata Hormuud oo ay la xariirtay Keydmedia Online ayaa noo Xaqiijiyay in ay joojiyeen Adeegii Internetka ee Taleefanada Gacanta ay gabi ahaanba jareen Daruufo soo wajahay Awgeed.

Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa Saacado ka hor is weydiiyey, in Internedkii Taleefanada Gacanta ee Shirka Hurmuud ay Cilad ku timid iyo in la jaray, ayagoona markii danbe ka war helay in Shirkadu ay u hogaansatay Amarkii Maleeshiyada Al-shabaab.

8-dii Bishii Janaayo ayaa Maleeshiyada Al-shabaab waxaa ay  ku Amreen Shirkada Hormuud in ay Joojiso Adeega in Internedkii Taleefanada Gacanta, ayadoona Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in hadii Shirkadaha Isgaariista ay Amarkaasi u hogaasamaan aysan ka Shaqeeyn doonin Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.